Yuusuf Dabgeed “Wax doorasho ahi ma aysan ka dhicin Beledweyne ama guud ahaanba Hirshabeelle”

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si cad uga hor yimid natiijada doorashadii toddobaadkii hore ka dhacday 10 degmo oo ka tirsan maamulka, isagoo sheegay in wax doorasho ah aysan ka dhicin magaalada Beledweyne, gobolka Hiiraan iyo guud ahaan deegaannada Hirshabeelle, inkastoo Guddiga Doorashadu sheegay in magaaladu ka mid ahayd meelaha laga qabtay doorashada.

Dabageed oo ka hadlay habka uu u arko doorasha ayaa sheegay in ka hor 30-kii Sebteembar uu caddeeyay in Hiiraan aysan ka qabsoomi karin doorasho, haddii aan marka hore la gaarin heshiis siyaasadeed, wadatashi ballaaran iyo ka-qaybgal dhab ah oo ay yeeshaan bulshada. Wuxuu ku dooday in heshiiskaasi uusan dhicin, sidaas darteedna doorasho walba oo la qabto uu ku tilmaamay mid aan buuxin sharciyada go’aaminta hay’adaha siyaasadeed iyo maamulka xiga ee Hirshabeelle.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Madaxweyne ku-xigeenka ku sheegay in Hirshabeelle aysan ku dhismi karin wax uu ku tilmaamay “sawirro sanduuqyada codbixinta ah”, isagoo ku adkeystay in maamulka ay si siman u leeyihiin dadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Wuxuu sheegay in wadatashiyada ka socda Beledweyne looga gol leeyahay in lagu xalliyo tabashooyinka siyaasadeed ee muddada dheer jiray, laguna dhiso maamul 3-aad oo ka caddaalad badan kan hadda jira oo loo dhan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn, Dabageed wuxuu diiday in dhacdooyinkii la qabtay, isagoo sheegay in aan weli la dooran ama la dhisin maamul saddexaad oo haysta sharciyad siyaasadeed sida uu qabo. Wuxuu ku baaqay wadahadal nabadeed iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo dhiso buu yiri “maamul ay dhammaan bulshada Hirshabeelle si dhab ah uga dhex muuqato”.

Hadalkiisa wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo galinkii dambe ee shalay magaalada Jowhar lagu shaaciyey natiijada doorashada codbixinta doorashadii golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee Hirshabeelle, kaasi oo aqlabiyadiisa uu helay labada Gole xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu wada ajendaha arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

 HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed