Taliyaha Ciidanka Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu oo shalay safar aan la sii shaacin ku yimid Soomaaliya, ayaa wuxuu booqday xarumo aad u xasaasi ah ku yaalla Muqdisho, kuwaas oo isugu jira xarumo ciidan iyo goobo ay ka socdaan mashaariic istaraatiiji ah.
Sida ay sheegtay Safaaradda Ankara ee Soomaaliya, taliyaha ayaa tagay xarunta hawada sare ee weli dhismaheedu socdo, halkaas oo warbixin laga siiyay howlaha ka socda, Taliska Ciidanka Turkiga ee Soomaaliya ee Xerada Anadolu, talisyada ciidamada badda iyo cirka ee Soomaaliya, Xarunta Howlgallada Wadajirka ah & markabka TCG Bartın.
Booqashadiisa intii uu ku jiray waxaa uu ka qeyb galay sdhagax-dhigga xarunta taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Taliska Ciidanka Turkiga ee Soomaaliya, Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Ciidanka Badda ee Barbaros iyo goobta lagu xiro maraakiibta.
Shalay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Jeneraal Bayraktaroğlu, kaas oo sidoo kale kulamo la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Booqashadan ayey safaradda Turkigu ku sheegtay mid lagu xoojinayo sii horumarinta iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga iyo difaaca, iyaga oo wada mashaariicyo cusub.
Hbn Online Tv

