Hay’adda Global Safety Report oo xog-ururin iyo cilmi-baaris ku sameysa amniga caalamka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya ay gaartay horumar dhanka dareenka badbaadada muwaadiniinta, iyadoo boqolkiiba 74% lagu qiimeeyay xaaladda amniga marka la eego sida dadku u dareemaan badbaadada marka ay habeenkii safrayaan iyo marka ay isaga kala gudbayaan deegaannada dalka.
Natiijadan ayaa Soomaaliya ka dhigaysa dalka ugu sarreeya dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika marka la eego heerka soo kabashada degdegga ah, iyadoo sidoo kale ka sarreysa celceliska caalamka oo ah 69%.
Warbixinta ayaa xustay in Soomaaliya ay qiimeyn ahaan ka sarreysay dalal ay ka mid yihiin Ruushka oo helay 72%, UK iyo Faransiiska oo min 71% helay, Hindiya oo sidoo kale heshay 71%, iyo Australia oo heshay 64%, halka Shiinaha uu la siman yahay Soomaaliya oo helay 74%.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa heshay 75 dhibcood marka la eego tusmada Sharciga iyo Kala-dambeynta (Law and Order Index), taas oo cabbirta kalsoonida shacabka ku qabaan booliska, dareenkooda amniga iyo waayo-aragnimadooda la xiriirta dembiyada. Dhibcahan ayaa shan dhibcood ka hooseeya celceliska caalamka oo ah 80.
Natiijooyinkan ayaa muujinaya aragtida muwaadiniinta ee xaaladda amniga iyo sida ay u dareemayaan badbaadada nolol maalmeedkooda, iyadoo warbixintu tilmaamayso in qiimeynta amniga aysan ku koobnaan karin oo keliya dagaallada iyo weerarrada, balse sidoo kale lagu cabbiro kalsoonida iyo dareenka badbaadada bulshada.
Hbn Online Tv

