Golaha Iskaashiga Khaliijka oo la saftay Imaaraadka Carabta, kana horyimid eedeymaha Soomaaliya

Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa cambaareeyey hadallada mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha dalka, isaga oo eedeymahaas ku tilmaamay kuwo aan mas’uuliyad ku dhisnayn, sidoo kalena diiday waxa uu ku sheegay olole warbaahineed oo marin-habaabin ah oo ka dhan ah Imaaraadka.

War-saxaafadeed uu 19-ka November, soo saaray Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jasem Mohamed Albudaiwi, ayuu ku muujiyey taageerada golaha ee Imaaraadka, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Albudaiwi ayaa dhaliilay hadallada mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyey inay faafinayaan sida uu hdalka u dhigay eedeymo dhaawacaya doorka Imaaraadka ee gobolka iyo caalamka. Wuxuu sidoo kale difaacay howlaha diblomaasiyadeed ee Imaaraadka, isaga oo sheegay in dalkaasi uu door muhiim ah ka qaatay amniga, xasilloonida gobolka iyo wada-hadallada caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ayaa tusaale u soo qaatay martigelinta Imaaraadka ee wada-hadallada u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, isaga oo sheegay inay muujinayso dadaalka Abu Dhabi ee ku aaddan nabadda iyo amniga caalamiga ah. Wuxuu intaas ku daray in dalalka xubnaha ka ah GCC ay diiddan yihiin olole kasta oo lagu dhaawacayo sumcadda dalalka xubnaha ka ah golaha.

Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sii xoogeysanayey kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Imaaraadka ku eedeeyey faragelin siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid amni oo uu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo sidoo kale dhaliilay heshiisyada Imaaraadka ee dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, kuna tilmaamay kuwo dhaawacaya madax-bannaanida dalka.

Khamiistii, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa amray safiirka Imaaraadka inuu dalka uga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, halka dowladda Soomaaliya ay safiirkeedii uga yeertay Abu Dhabi, si wadatashi loogu soo celiyo. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabooyinkaas ay yihiin kuwo lagu ilaalinayo madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.

Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa cambaareysay hab-dhaqanka dowladda Soomaaliya, iyada oo ku eedeysay Muqdisho inay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha u adeegsanayso dhaawicidda xiriirka labada dal. Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay inuu safaaraddiisa Muqdisho xiray, dibna ula baxay shaqaalihiisii diblomaasiyadeed bishii Janaayo 2026, kaddib khilaafaad hore oo la xiriiray baabi’inta heshiisyo laba geesood ah oo ay labada dal lahaayeen.

Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ka kooban lix dal oo kala ah Imaaraadka, Sacuudiga, Qatar, Kuwait, Baxrayn iyo Cumaan, ayaa war-saxaafadeedkiisa ku muujiyey taageero cad oo uu u hayo Imaaraadka. Si kastaba ha ahaatee, goluhu ma shaacin wax tallaabo diblomaasiyadeed ama dhaqaale ah oo ka dhan ah Soomaaliya, isaga oo ku ekaaday cambaareynta hadallada dowladda Soomaaliya iyo muujinta garab-istaagga Imaaraadka.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed