Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka socday shirkadda shidaalka ee Aljeeriya?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday shirkadda Sonatrach ee dalka Aljeeriya, oo ku takhasustay soo saarista shidaalka iyo gaaska. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac ee mashaariicda shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Kulankan ayaa imanaya toddobaad kaddib markii Aljeeriya ay Soomaaliya u ballanqaadday inay la wadaagayso khibraddeeda ku saabsan sahminta, soo saarista iyo sifeynta shidaalka, sidoo kalena tababar siinayso injineerrada batroolka iyo shaqaalaha Soomaaliyeed.  Ballanqaadkaas ayaa yimid kaddib booqasho ay wafdi Sonatrach ah ku tageen xarunta kaydka shidaalka qaranka ee dekedda Muqdisho.

“Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey wafdiga, isaga oo adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si ay kaalin muuqata uga qaataan koboca dhaqaalaha iyo horumar dalka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Soomaaliya, xili ay dowladdu dadaal ugu jirto sidii ay u bilaabi lahayd soo saarista shidaalka, iyada oo shirkadda Turkiga ee TPAO ay bishii Abriil 2026 bilowday qodista ceelka Curad-1 ee badda Soomaaliya.

Inkastoo la sheegay in qodistu gaartay lakabyo laga filayo astaamaha shidaalka, haddana weli lama shaacin natiijo rasmi ah.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Aljeeriya ee dhinaca shidaalka ayaa soo xoogeysanayay, iyadoo labada dal ay bishii Nofeembar 2025 kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan sahminta shidaalka iyo gaaska. Si kastaba, ballanqaadka Sonatrach ee hadda la shaaciyay wuxuu ku saabsan yahay tababarro iyo wadaagista khibradda farsamo, mana jiro heshiis la shaaciyay oo shirkaddu si toos ah shidaal uga baareyso ama maalgelin uga sameyneyso Soomaaliya.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed