Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa caawa magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee maamulkiisa, kaas oo ka kooban 66 xubnood, kuwaa oo lagu soo saaray wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxtooyada maamulkaasi.
Golaha cusub ayaa ka kooban 24 wasiirr, 24 wasiir ku xigeen iyo 18 wasiiru-dowle oo kala hogaamin doono wasaaraddo ay ka mid yihiin Amniga, Caafimaadka, Waxbarashada, Warfaafinta & Batroolka.
Wareegtadan lagu magcaabay wasiiradda ayaa lagu sheegay in xubnaha ay haggi doonaan xukuumadda cusub ee maamulka Galmudug, iyada oo la tilmaamay inay aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyihiin xubnahaani xilalka loo igmaday.
Xukuumaddan cusub ayaa la filayaa inay qaaddo mas’uuliyadda hoggaaminta howlaha maamulka Galmudug iyo fulinta qorshayaashiisa dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Halkaan ka akhriso xogta magacyada iyo xilalka loo magcaabay:
Golaha Wasiirrada
- Cabdullaahi Axmed Maxamed – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.
- Cabdiqani Sheekh Cali Diini – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose.
- Farxaan Cali Maxamed – Wasiirka Maaliyadda iyo Dakhliga.
- Maxamed Xuseen Abuukar (Awliyo) – Wasiirka Awqaafta, Arrimaha Diinta iyo La-dagaallanka Xag-jirka.
- Cabdisalaan Cabdi Aadan – Wasiirka Amniga Gudaha.
- Duraan Aadan Axmed – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
- Xasan Nuur Maxamed – Wasiirka Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Horumarinta Xirfadaha.
- Cabdullaahi Maxamed Daahir – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta.
- Cabdiraxmaan Xaashi Diiriye – Wasiirka Shaqada, Shaqo-abuurka iyo Ilaalinta Nolosha Bulshada.
- Cabdiraxmaan Maxamed Axmed – Wasiirka Beeraha, Waraabka iyo Damaanadqaadka Helitaanka Cuntada.
- Axmed Khayr Macallin Maxamuud – Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
- Daahir Maxamuud Maxamed – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.
- Maxamed Saciid Axmed (Asxaaf) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, Farshaxanka iyo Dalxiiska.
- Maxamed Xaashi Dhoore – Wasiirka Howlaha Guud iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.
- Cabdulqaadir Cabdirashiid Yuusuf – Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Horumarinta Hibada.
- Jaamac Cumar Cilmi – Wasiirka Deegaanka, Ilaalinta Duur-joogta iyo Isbeddelka Cimilada.
- Cabdixakiim Xaydar Yuusuf – Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta.
- Axmed Dhiblaawe Casir – Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
- Haweeya Ismaaciil Axmed – Wasiirka Qoyska, Dhallaanka iyo Xuquuqul Aadanaha.
- Jabriil Cali Maxamed – Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Iskaashiga Dibadda.
- Maxamuud Ibraahim Hilif – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
- Xasan Xirsi Xaashi – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
- Cabdiwali Maxamed Axmed – Wasiirka Gargaarka, Maareynta Musiibooyinka iyo Horumarinta Reer Miyiga.
- Maxamed Yuusuf Cali – Wasiirka Madaxtooyada.
Wasiirro-dowlayaasha
- Cabdinaasir Xasan Cali – Wasiir-dowle Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.
- Cabdulqaadir Cali Warsame – Wasiir-dowle Wasaaradda Maaliyadda iyo Dakhliga.
- Khaalid Cabdikaafi Cigaal – Wasiir-dowle Wasaaradda Awqaafta, Arrimaha Diinta iyo La-dagaallanka Xag-jirka.
- Cabdulqaadir Sheekh Xasan Ismaaciil – Wasiir-dowle Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
- Cabdullaahi Maxamed Barre – Wasiir-dowle Wasaaradda Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Horumarinta Xirfadaha.
- Saciid Cabdulqaadir Mire – Wasiir-dowle Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta.
- Cabdirashiid Dhaayow Amiin – Wasiir-dowle Wasaaradda Shaqada, Shaqo-abuurka iyo Ilaalinta Nolosha Bulshada.
- Shaafici Diiriye Cabdi – Wasiir-dowle Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Damaanadqaadka Helitaanka Cuntada.
- Maxamed Faarax Talvaani – Wasiir-dowle Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
- Cabdicasiis Axmed Cadaawe – Wasiir-dowle Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
- Maxamed Cabdinuur Sheekh Yuusuf – Wasiir-dowle Wasaaradda Howlaha Guud iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.
- Salma Maxamed Ciid – Wasiir-dowle Wasaaradda Deegaanka, Ilaalinta Duur-joogta iyo Isbeddelka Cimilada.
- Zakariye Cusmaan Maxamed – Wasiir-dowle Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta.
- Cabdirasaaq Maxamuud Jaamac – Wasiir-dowle Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
- Canab Maxamed Cosoble – Wasiir-dowle Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Xuquuqul Aadanaha.
- Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed – Wasiir-dowle Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
- Ismaaciil Cabdi Calasow – Wasiir-dowle Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
- Khaliif Yuusuf Cabdi – Wasiir-dowle Wasaaradda Arrimaha Badda, Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.
Wasiir-ku-xigeennada
- Bashiir Maxamed Yuusuf – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose.
- Cabdiwahaab Suudi Nageeye – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Dakhliga.
- Cabdullaahi Xasan Nuur – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta, Arrimaha Diinta iyo La-dagaallanka Xag-jirka.
- Cabdinuur Buldhe Shire – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.
- Faysal Cabdi Jaamac – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
- Maxamed Axmed Maxamuud – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Horumarinta Xirfadaha.
- Maxamed Cabdullaahi Cali – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta.
- Nuur Maxamed Cali – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqo-abuurka iyo Ilaalinta Nolosha Bulshada.
- Cabdiraxmaan Maxamed Saciid – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Damaanadqaadka Helitaanka Cuntada.
- Cabdullaahi Maxamed Xasan – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
- Cabdulqaadir Xuseen Warsame – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
- Maxamed Cali Sheekh Cabdi – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Farshaxanka iyo Dalxiiska.
- Xuseen Aadan Axmed – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.
- Nuur Maxamuud Ibraahim – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Horumarinta Hibada.
- Maxamed Cali Axmed – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Ilaalinta Duur-joogta iyo Isbeddelka Cimilada.
- Cumar Cusmaan Maxamed (Diyaaz) – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta.
- Cabdishakuur Cabdullaahi Maxamed – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
- Asma Cabdicasiis Xasan – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Xuquuqul Aadanaha.
- Xamdi Axmed Saciid – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Iskaashiga Dibadda.
- Maxamed Maxamuud Bidhaan – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
- Maxamed Cabdikaamil Maxamed – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
- Cabdullaahi Cali Cigaal – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka, Maareynta Musiibooyinka, Yareynta Saboolnimada iyo Horumarinta Reer Miyiga.
- Xaawo Maxamed Iimaan – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Casriga ah.
- Axmed Maxamed Diirshe – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Badda, Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.
Hbn Online Tv

