Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in uu basbeelay deegaan istaraatiiji ah oo AS ku laheyd gobolka Mudug

War ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal xooggan oo ay fuliyeen ciidamada Sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah lala beegsaday deegaanka Duumaaye oo hoostaga degamada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaas shir uga socday hoggaamiyaal ka titsan ururka Al shabaab.

Howlgalkaan oo ahay mid qorsheysan  ayaa lagu beegsaday saldhig ay Al shabaab ku lahayd deegaankan xilligaas oo ay shir ku lahaayeen hoggaamiyaal sar sare iyo xubno kale oo ku sugnaa deegaanka, balse faah faahin dheeraad ah lagama bixin khasaaraha rasmiga ah ee  ka dashay.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in inta badan xubnihii halkaas ku sugnaa in lagu dilay weerarkaas, balse ay dhawaan faah faahin ka bixin doonto.

Wasiir arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu basbeelay saldhig ay ku shirayeen hoggaamiyaasha Al shabaab gabi ahaanba deegaanka Duumaaye.

“Saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey waa isku bas beeleen,” sidaas waxaa yiri Wasiirka arrimaha gudaha oo ku sugan Galmudug.

Deegaanka Dumaaye ayaa kamid ah deegaannada istaraatiijiga ah ee Al shabaab gacanta ku hayaan waxan la sheegay in ay ku leeyihiin saldhigo oo laga soo abaabulo qaraxyada iyo howlgallada gobolada dhexe. Qiyaastii 45 km ayuu kaga beegan yahay dhanka Waqooyi degmada Xarardheere.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed