Xukuumadda Somaliland ayaa xukun dil ah ku fulisay shan nin oo dil ka geystay deegaanada maamulkaas kuwaas oo horay maxkamad loo soo taagay
Xukunka dilka ayaa ka dhacay xabsiga Mandhera, oo caan ku ahaa toogashada. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan ansixiyay in la toogto raggan, kuwaas oo aan magacyadooda wali xukuumaddu soo bandhigin.
Somaliland ayaa sida caadiga ah u fulisa xukunada dilalka ah. Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka oo ku aadan xukunka dilka ah ee saaka dhacay.
HBN NEWS DESK