Xukuumadda Puntland oo mucaaradka ku eedeeysay inay diideen wada hadal in lagu dhammeeyo khilaafka doorashada

Guddoomiyaha guddigan 7 xubnood ee uu dhawaan uu madaxweynaha Deni u magacaabay wada xaajoodka kooxaha ka soo horjeeda ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay ka caga jiidayaan in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka doorashada ee maamulka Puntland, kaddib markii uu warbaahinta la hadlay.

Gudoomiyaha guddiga, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Syed Faarax Juxa, ayaa ku nuux-nuux saday Isniintii in mucaaradku aanay u muuqan mid diyaar u ah wada hadal, inkastoo doorashada soo socota ay ka harsan yihiin toddobaadyo oo keliya.

“Waan u tagnay oo la xiriirnay, balse way diideen inay nala hadlaan,” ayuu yiri Wasiirka. Waxa uu xusay in wali ay jirto fursad wada hadal, waxa uuna ku booriyay dhinacyada iska soo horjeeda in ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili mucaaradku ay sheegeen inay ka war sugayaan go’aamadii kasoo baxay guddiga SSC-Khaatumo oo si weyn ugu hawlan xalinta arrimaha doorashada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed