‘Xukuumad Dan Qaran!’

03.August 2022

‘Xukuumad Dan Qaran!

Xukumaddii mudadda dheer la sugi la’aa waxaa suurowday in lagu dhawaaqo. Waxaana loogu magac daray xukuumsdda dan qaran. Waxaana cad in hadda ay howshu ku wareygeyso baarlamaanka si uu u ansixiyo iyo in isla markiiba iin loo yeelo oo la mucaarado.

Waxaana taa daliil cad u ah in wararka xukuumadda lagu gorfeynayo ee baraha bulshada, idaacadda dibadda iyo kuwa gudaha. Wargeysyada caalamka oo dhan ayaa saaka waxaa ku qoran warka la xiriira xukuumadda cusub ee Soomaaliya loo dhisay. (Bal adigu baar).

Waxaase muuqata in wargeysyadu bartimaamsadeen wasirrka arrimaha diinta iyo Awqaafta oo laga dhigay aghayeenkii horre ee Ururka Alshabaab.
Waxaa intaa dheer, in lagu tilmaayo xukuumadaa mid la isigu keenay qabaa’iladda Soomaaliyeed, mucaarad iyo dad hore uga tirsaa xukuumaddii hore, saaxiibo iyo danlay intaba.

Waxaa la sheegay in xukuumadda ay tahay mid la balaariyay oo laga qeyb galiay cid walba, oo xitaa qabiiladda lagu sifeen jiray dhibic shan waxaa la siiyay qoonda buuxda. Marka laga gudbo in uu iscasilay wasiir ku xugeen ka mid qabiiladdaa.. Haddana waxaa cad in howshii golaga wasiiradda la soo afjaray oo la wada sugeyso ansixin si ay howsheeda oo ay xukuumsdo ku dhaqaaqdo.
Nidaamka qabaa’ilka waxa lagu qeybsanayo cid walba waa og tahay in uusan xaq iyo cadaalad aheyn ee waxaa loo ogalaanayaa oo kaliya in xal la mooday.

Waxaana laga filayaa xukuumaddan markii la ansixiyo in ay dalka ka gudbiso nifaamkan qabiilka wax lagu qeybsanayo, in ay dhameystiro dastuurka qabyadda ah, in ay dib u habeyn ku sameyso nidaamka cadaaladda, amniga iyo in ay dhisto ciidamadda tayo leh oo amssnka suga.

Golaha Wasiiradda ee cusub markii la ansixiyo caqabadda ugu weyn ee la soo gudboonaaneysa waxay la xiriirta amaanka… oo waxaa wasiiraddu noqonayaan kuwo ka qoqoban bulshada inteeda kale. Waxaa cad in golihii wasiiradda ee xilgaarsiinta xilks ay wareejinayaan. Waxaa ku qasab noqoneysa haddii uu xilkoodu dhamaaday in ay caasumadda ka tagaan ama saaxiibo la joogaan ama ay deegaanadooda ku noqdaan.

Cid xaqiiqadaas wax ka bedeli karta ma jirto ilaa iyo inta dalkan uu amaan buuxa helayo. (Waxaa dib i fiirisaa oo kaliya raggii iyo dumarkii hore xubnaha uga soo noqday golaha wasiiradda ee xukuumadii hore, marka laga reebo Kulalihi oo xildhibaan hore ahaa oo magaaladda Muqdishu dhex mushaaxa).
Taana waxay ku xirnaaaneysaa oo kaliiya sida xukuumadda cusub ay howlaha amaanka u dardargaliso, haddii kale xaalku sidaas buu ahaan.

Waxaa xusid mudan, waxa walba oo ay warbaahinta caalamka iyo midda gudaha sheegaan ama qoraan in wax lagu qaato. xukuumaddii mudadda afartanka maamood ah laga tashanayay oo juhdiga badan la galiyay waa la dhisay.

Maxaa xigga? Waxaana cad in ay u yaalaan howlo culus oo u baahan wax qabad dhab ah iyo karti dhab ah.

Xukuumaddan loogu madac daray Dan Qaran waxaa laga rabaa in ay noqoto mid si dhaqso ah ku kasbata daquluubta iyo cuquusha shacabka Soomaaliyeed oo shantii sano ee ugu danbeeyay, gaar ahaan, magaca dowladnimadda lagu dhibaateeyay, wax qabad ha joogtee.

Ogow, maanta qoraalkeega kuma jiro galdalooladda xukuumadda cusub, taana macaheedu ma aha in ay galdaloolo laheyn. Waxaa iftiiminayay oo kaliya sida Soomaalida dibadda iyo gudaha iyo ajnabigu u arkeen xukuumadda cusub iyo ka falcelintooda iyo howsha adag ee hortaala, iyo halkii ay ku danbeeyeen wasiiraddii hore.

Ujeedadda qoraal sidiisaba waxaa waaye in wax laga kororsado , waxna la barto wax tar u u leh bulshada iyo dowladnimadnimada Soomaaliyeed… dhaliil ceeb ma aha iyo saluugid wax qabad, laakiin waxaa loo baahan yahay dhaliil wax dhista oo aqoon ku dhisan.

Wax badan oo la dhaliili karo waa jiraan ee waxaa muuqata oo dow ah in la xeeleysto , xukuumadda cusubna ay waajib tahay in fursad la siiyo si ay ku shaqeyso burhasnteeda u muujiso.

Ugu danbeyn, waxa laga dhursugayo waxaa waaye ansixibta iyo waxqabadka xukuumadda cusub iyo sida ay uga duwanaan karo xukuumaddii hore ee fashilmi jiray.

Waxaa iyans muhiim ah sida shacabka Soomaaliyeed uu ula shaqeeyo xukuumaddan cusub ee loogu magacdaray dan qaran… Dhamaad.

Qore: Mohamed Mohamud Cadde.
Waa Aqoonyahan iyo lafegure arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

AFEEF: Aragtida & macluumaadka qoraalku xambaarsan yahay waxay u gaartay qoraha, kama turjumayso aragtida Horn Broadcasting Network (HBN)

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed