Soomaaliya: Waxaa 9-sano u buuxsantay qaraxii Soobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ilaa hadda dad badan dhibane u yihiin

Waxaa Maanta Soomaaliya 9 sano u buuxsantay qaraxii markii uu dhacay qaraxii dadka badan ku dhinteen ee Soobe, iyada oo musiibadaas ay weli Xusuus ku leedahay quluubta shacabka Soomaaliyeed. 14-ka Oktoobar waa maalin murugo leh oo taariikhda dalka ku suntan, iyadoo dib loo xusuusto dadkii ku dhintay, kuwii ku dhaawacmay iyo qoysaskii ay musiibadu saameysay.

14-kii Oktoobar 2017, gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ku qarxay agagaarka isgoyska Soobe, meel u dhow Hoteelka Safari ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho. Qaraxu wuxuu haleelay goob mashquul badan oo ay ku yaalleen hoteello, goobo ganacsi iyo xarumo kale, isagoo sababay burbur xooggan iyo dab baahay.

Warbixinnada Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 587 qof ay ku dhinteen qaraxa, halka 316 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka deegaanka, shaqaalaha caafimaadka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa gurmad degdeg ah u sameeyay dadkii waxyeelladu gaartay, iyagoo isku dayayay inay badbaadiyaan intii suurtagal ah.

Musiibada Soobe ma ahayn oo keliya burbur hantiyeed, balse waxay ahayd dhacdo saameyn weyn ku reebtay qoysas badan, iyadoo waalidiin ay carruurtoodii waayeen, carruur badanna ay agoon noqdeen. Sagaal sano kaddib, xusuusta dadkii ku naf waayay iyo dhibaatadii ay qoysasku la kulmeen weli way taagan tahay, iyadoo 14-ka Oktoobar ay tahay maalin lagu xusuusto dhibbanayaashii iyo dad naf-hurayaasha ahaa ee gurmadka sameeyay.

HBN ONLNIE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed