Xubno ka tirsan oo ku dhintay dalka Kenya kadib markii iyaga oo rakabiya walxaha qarxa ay ku qarxeen

Ugu yaraan laba sarkaal oo ka tirsan al-Shabaab ayaa ku dhintay dalka Kenya ka dib markii bam ay ku diyaarinayeen ay kula qaraxday deegaanka Amuma ee ismaamulka Garissa.

Booliska ayaa sheegay in labada qof ay ku rakibayeen walxaha qarxa gaar ahaan waddo ay isticmaalaan gaadiidka kala duwan iyo sidoo kale Hay’adaha aamaanka goobolka. Kooxaha ammaanka ee tagay goobta uu shilku ka dhacay ayaa arkay meydadka oo si xun u go’ay oo daadsan goobta, sida ay ku sheegeen bayaan ay sii daayeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in tani ay muujineyso in argagixisadu ay hadda isku dayayaan in ay soo bandhigaan walxaha qarxa ka dib markii ay  hoos u dhaceen weeraradii bishii September ee sannadkaan, sida ay hadalka ku sheegen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xubnaha ay qodayeen waddo mashquul badan oo u diyaarsanaa in ay ku rakibaan bamka meelaha fog laga hago markii uu qarxayay. Waa dhacdadii ugu dambeysay ee noocaan ah oo deegaankaas ka dhacda maalmo kadib.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca deegaanka, waxaana loogu baaqay dadka deegaanka inay qeylo dhaan geliyaan mar kasta oo ay arkaan falalka nuucaan ah. Booliska ayaa sheegay in ay kordhiyeen howlgallada ay ka wadaan deegaanka, si ay u ogaadaan qorshaha weeraradaasi.

Dhowr weerar oo gaadmo ah ayaa dhacay labadii bilood ee lasoo dhaafay kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada amaanka, deegaankan ayaa ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya halkaas oo Al shabaab ay ka soo gudbaan oo ay weeraro ka geystaan ​​gudaha dalkaasi.

Bishii hore ayay aheyd markii rag hubeysan ay degmada Gaarisa ka afduubteen nin  maamule ka ahaa degmada Gaarisa sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay ciidamo gaar ah geyn doonto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan Gaarisa, Mandheera, Wajeer iyo Lamu.

Al-Shabaab ayaa lumiyay degaano muhiim ah todobaadyadii la soo dhaafay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gooblka.

Howlgallo ballaaran ayaa ka socda deegaankaas oo looga hortagayo weerarrada la xiriira Al-Shabaab, kuwaas ka dhaca meelaha  ee u dhow xadka ugu weyn ee Kenya iyo Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed