Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Puntland iyo faah faahin laga bixiyay.

Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka titsan Ururka Al-shabaab, kuwaas oo qorsheynayay in qaraxyo iyo weeraro ka fuliyaan gudaha magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Maamulkaasi sida ay shaaciyeen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali ayaa faah faahin ka bixiyay xubnahaan ka tirsan AL-SHABAAB oo ay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka magaalada Gaalkacyo, waxaa kale uuu sheegay in muddooyinkii dambe ay dilal kala duwan iyo falal amniga ka soo horjeedo ay geysteen Puntland.

Waxaa uu intaas raaciyay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan oo waafaqsan sharciga, lana horgeyn doono Maxkmad, xubnahaan ka tirsan Shabaab ayuu ka dhawaajiyay in la fashiliyay qorsho ay doonayeen in ku khalkhal galiyaan nabada magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada, ma sheegin guddoomiyuhu goorta iyo meesha lagu qabtay shabakada Alshabaab ee qorsheynayay weeraro ka dhan amniga magaalada Gaalkacyo.

Si kastaba, shalay ayey markii xubno ka tirsan Daacish ay isku dhiibeen laamaaha ammaanka kuwaas oo sheegay in ka soo baxeen kooxdii ay ka tirsanaayeen, waxana kamid ahaay xubin ka soo jeeda dalka Suudaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed