Xubno ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Shebeelada Hoose iyo ciidamada dowladda oo dhaqdhaqaaqyo ciidan wado

Ciidamada qalabka sida ayaa howlgal qorsheysan sameeyay kaas oo ka dhacay deegaanka Garilow oo ka tirsan degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in sidoo kale ciidamada ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan labo qoray, walxaha qarxa iyo mootooyin. Waxa uu intaasi ku daray in howlgalkan uu qeyb ka yahay dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta Soomaaliya.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli maalin ka hor uu Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu sheegay inay billaabeen wejiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliyeed ayaa gobolkaas ka wado dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan, kuwaas oo qorsheynaya in ay fuliyeen weeraro culus oo ka dhan ah Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed