Xubno ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay gobolka Baay

Hawlgallo ay fuliyeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahannada ururka Al shabaab, kaas oo ka dhacay gobolka Baay ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Howlgallkaan oo ahay mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Saydhelow taas oo dhinaca bari 35 km kaga beegan magaalada Baydhab, ka dib markii xubnahaan laga war helay macluumaadkooda.

Xubnaha la dilay ayaa lagu furtay Mooto Feykon iyo qori AK47 ah, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay dilkaas.

“Howlgalkaan ayaa lagu dilay laba dhagar qabe oo Khawaarij ah waxaana looga furtay Mooto Feykon iyo qori AK47 ah, waxaana uu qeyb ka yahay howlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ku beegsanayaan firxadka Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga dadkeena” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay dowladda.

Si kastaba, muddooyinkii dambe dilal nuucan oo kala ah ayaa waxaa fulinayay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee wadoo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee ka scoonaya guud ahaan dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed