Xubno Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Dilay Deegaan Hoostaga Xarardheere.

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya howgallo Ciidanka deegaanka ay ku fuliyeen deegaanno hoosta degmada Xarardheere ee Galmudug, waxana howgalkaas ka dashaay dhimasho dhaawac soo gaaray Al-shabaab sida maamulka degmada ay sheegeen.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Deegaanka Tuula-cadaad  oo qiyaast 25 km Xarardheere. Waxana lagu dilay 3 xubin oo ka tirsan Al-shaabab halka lagu dhaawacay  ilaa 5 kale sida lagu faafiyay Warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Ciidanka deegaanka ee fuliyay howgalkaan ayaa laga dhaawacy ilaa  hal Askari, maamulka degmada Xarardheere ee Galmudug ayaa sheegay in ay sii wadi doonaaj howgalkaan ka dhanka Al-shabaab.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed