Xubno ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibay ciimada dowladda Soomaaliya

Xubno ka tirsan Ururka Al shabaaab ayaa isku dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu soo bandhigay warbaahinta ku hadasho afka ciimada dowladda.

Xasan Macalin Aways  iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed, ayaa ka soo baxay Al shabaab, kuwaas isku dhiibay ciidan ku sugana degmada Diinsoor gobolka Baay ee maamulka Koofur Galbeed.

Labadan xubnood ayaa Ka tirsanaa Al shabaab muddo 3 sanno ah iyagoo ka dagaal galay gobollada dalka qaarkood waxaana ay sheegeen inay ka soo laabteen waddadii hore oo ay kula shaqeynayeen Al shabaab.

Muddooyinkii dambe waxaa ciidamada dowladdu Soomaaliya isku soo dhiibayay xubno ka tirsan Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed