Xubno ka tirsan Al shabaaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya isla markaana ka yimid gobolladda Bakool Shabeellaha Hoose iyo Gedo

Seddex ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan deegaano kala duwan. Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada dowlada ay garab ka helayaan dagaalyahanada deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah kooxda Al shabaab.

Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo loo yaqaan Indhacade, Aadan Isaaq Aadan oo Magaciisa Afgarashadu yahay Zuber iyo Baashi Maxamed Isxaaq oo Al shabaab looga yaqaan Ruweysh ayaa dhammaantood siyaabo kala duwan iskugu soo dhiibay dowladda. Xubanahan ayaa ka kala yimid gobollada, Bakool,  Shabeellaha Hoose iyo Gedo.

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ayaa ugu baaqay xubnaha ka tirsan kooxdaasi in ay isa soo dhiibaan dowladda dhowr jeer, isla markaana ay ka soo baxaan fikirka ururka Al shabaab ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in cidii isa soo dhiibtaa loo fadinayo cafis guud, taniyo xilligaas hoggaamiyaal iyo xubno kale ayaa isku dhiibay xukuumadda.

Soo dhiibitaanka xubnahan ayaa timid iyada oo  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu warbixin dhameystiran ka jeediyay dagaallada lagula jiro Al-shabaab, isagoo shacabka u sheegay in horumarro laga gaarayo sidii dalka looga xorayn lahaa khatarta Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed