Xubnin ka tirsan Al shabaab oo horay u dilay sargaal ka tirsan hey’adda Nisa oo maanta lagu xakumay dil toogasho

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay, Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ka tirsanaa Al shabaab, sida ay shaacisay maxkamadda.

Xamsa ayaa horay u dilay taliyihii Ciidanka nabad sugidda deegaanka Buufoow bacaad ee gobolka Shabeellada hoose Xasan Cusmaan Cali, markii uu gaarigiisa u geliyay miino nooca gaadiidka lagu xiro, kadibna uu u geeriyooday.

Xamsa oo ah 23 jir kana soo jeeda Janaale ayaa horay ugu shaqaysan jiray Mooto Fekon inta uusan ku biirin Al shabaab, isagoo ku noolaa guriga taliyaha ee magaalada Marka, oo la sheegay in ay qaraabo ahaayeen.

28-kii Augosto ee sanadkan ayay soo gabagabowday dacwadda loo haystay Xamsa , waxanay maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida maanta ku xukuntay dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta Ex-taliyihii hore ee NISA ee deegaanka Buufoow Bacaad Xasan Cusmaan Cali.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed