Xubin ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Soomow Ibraahim Iidow ayaa  isku soo dhiibtay taliska guutada 8-aad ee ururka 60-aad ee xoogga dalka, sida lagu sheegay warbixin kooban oo la sii daayay.

Soomow ayaa muddo 5 sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay u qaabilsanaa dhamka  jabhadda, sida ay sheegayaan wararka saraakiisha ciidamada.

Waxaa xusid mudan in maalmo ka hor 3 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay iyaguna isku soo dhiibeen ciidamada dowladda Federaalka meelo kala duwan, iyadoo ciidamada dowladda oo gacan ka helaya saaxiibada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab in laga xoreeyo dalka.

Soo gooshasada Soomow Ibraahim Iidow ayaa ku soo aadeysa xilli dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay ay dalka ka socdeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawisley ay weerarro hor leh ku qaadeen ururkaan, goobo ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalyahannadu.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cafis u fidisay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab, ee doonaya in ay isa soo dhiibaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed