Xubin ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

Isxaaq Mayow Maxamuud  oo ka tirsanaa ururka Al shabaab ayaa isku soo dhiibay ciimada dowladda Soomaaliya qeybta 60aad, kaas oo sheegay in uu go’aansaday in uu ka soo baxo fikirkii hore.

Muddo afar sanno ah ayuu ka tirsanaa kooxda Al shabaab, waxaa uu ka qeyb qaatay dagaalo ka dhacay gobolada Sheellaha Hoose, Hiiran, Gedo,Jubbooyinka iyo Deegaano kale oo ku yaal koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe shaqsiyaad ka tirsan Al shabaab ayaa isku soo dhiibayay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sheegay in ay ka tanaasuleen fikirkii hore oo ay kula dagaallamayeen ciidanka dowladda Faderaalka.

Madaxda Soomaaliya oo goobo fagaaro ah kula hadlay dad weynaha iyo warbaaahinta, ayaa ugu baaqay dagaalyahannada ka tirsan Al shabaab in ay ka soo baxaan oo ay isku soo dhiibaan ciimada qalabka sida ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed