Xubin ka tirsan Al shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda ee gobolka Baay

Isxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani ) oo ka tirsanaa muddo dheer dagaallamayaasha Al shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Koof Gaduud ee gobolka Baay.

Ciidanka ururka 46-aad ee Qeybta 60aad ayaa soo bandhigay Ninkaan dhalinyarada ah ee isku soo dhiibay ciidamada, kaas oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Isxaaq tababar kusoo qaatay degmada Jilib  ee gobalka Jubada Dhaxe, kaasoo ka qeyb qaatay dagaallo kala duwan iyo weeraro ay Al shabaab fuliyeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Shalay ayeyd markii  Maxamed Cumar  oo uu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya kaas oo ku biiray Al shabaab asaga oo 8 jir ah, kana soo baxay asaga oo 21 jir ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed