Xubin Al shabaab u qaabilsanaa sahminta iyo basaasida oo lagu qatay Xarardheere

Xubin kamid ah Al shabaab, kaas ururka u qaabilsanaa basaasida iyo macluumaadka magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka magaalada, xilli uu ku jiray indho indheyn.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Xaraardheere ayaa gacanta ku dhigay Cismaan Maxamuud Barre oo 17 jir ah, kaasi oo ay soo dirsatay Alshabaab, si uu u sahmiyo waddooyinka fudud iyo meelaha laga soo gelin karo magaalada, sida lagu sheegay war ay soo saareen hey’adaha ammaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay ind dadka deegaanka iyo ciidamada ammaanka ay iska kaa shadeen shaqsigaan, isla markaana gacanta lagu hayo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed