Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada u dambeeyay ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo xumeeyay xiriirka labada dal ee deriska ah.
War-saxaafadeed uu soo saaray 3-dii Janaayo, 2024, oo ka soo baxay Djibouti, ayuu Gebeyehu ku sheegay in IGAD ay si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana ay aqoonsan tahay saamaynta ka dhalan karta xasilloonida gobolka. Wuxuu ku booriyay madaxda IGAD in la qabto arrintan, wuxuuna ka codsaday labada dal ee walaalaha ah inay iska kaashadaan sidii xal nabadeed oo wadajir ah loogu dhameyn lahaa xaaladda, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya ururka IGAD
Arrintan ayaa ku soo beegantay kaddib markii dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ku eedeeysay in ay faragelin ku sameysay madaxbaaninada Soomaaliya, isla markaana ay ku xad-gudubtay qawaaniinta caalamiga ah iyo tan gobolka. Itoobiya ayaa hishiis is-af-garad ah la gashay maamulka Somaliland, oo ay ka mid tahay in marin badeed loo helo ciidammada Badda Itoobiya si ay aqoonsi dhinaca Itoobiya u helaan.
HBN NEWS DESK