Xoghayaha Difaaca Mareykanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Xasaasi ah Dalka Jabuuti

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, kulankaan madaxweynaha waxaa ku wehliyay Wasiirka Gashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Waxay ka wadahadleen horumarinta Soomaaliya ee Mareykanka, iskaashiga amniga, taageerada duullaanka socda ee ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah, iyo dadaallada lagu qaadayo cunaqabateynta hubka saaran Soomaaliya iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa taageero milatari, tababar iyo mid bani’aadminnimo intaba ka hesha dawladda Maraykanka. Milatariga Maraykanku waxay sidoo kale ka caawiyaan dawladda Soomaaliya duqaymaha ka dhanka ah al-Shabaab.

Austin ayaa u safri doona Kenya iyo Angola usbuuca dambe. Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka, tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xoghaye Maraykan ah uu u safro Angola, waana markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1976-kii oo taliyaha difaaca Maraykanka uu booqdo Kenya

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed