Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Hor-yimid Go’aankii Guddiga Doorashooyinka ay Ku Shaaciyeen Jadwalka Doorashada

Xisbiyada ugu waa weyn mucaaradka Somaliland ayaa ka hor yimid go’aankii Guddiga Doorashooyinka ee shalay soo saareen, taas oo lagu muddeeyay xilliga ay dhacayaan doorashada Ururada siyaasadda iyo tan madaxweynaha.

Xisbiyada  mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa qaadacay kana soo horjeestay go’aankii ay guddida doorashooyinku  kuwaas oo siyaabo kala duwan u soo saaray War-saxaafadeedyo ka dhan ah jadwalkii ay shaaciyeen Komishinka Doorashooyinka Somaliland.

Ugu horreyn qoraal ka soo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Faysal Cali Waraabe ee Ucid ayaa sidaan lagu yiri:

“Guddida fulinta ee xisbiga UCID waxa ay go’aamisay in go’aankii kasoo baxay garabka Muuse Biixi ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku taariikhaysnaa 17/7/2023 anay si naba u aqbalin go’aanka sharcidarada ah ee waxba kama jiraan ka ah” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Xsibiga Ucid ayaa intaas ku darayt in guddiga doorashada ay soo saareen doorasho aan lahayn xeerarkii lagu gali lahaa, taas oo baal marsan hannaankii sharciga ahaay, sida qoraalka xisbiga lagu xusay.

Dhanka kale xisbiga Waddani oo hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa asna soo bandhigay bayaan adag oo ay kaga soo horjeedaan go’aankii Guddiga Doorashada Somaliland, haddaba sidaan ayaa lagu yiri nuxurkii qoraalkii ay soo saareen.

“Somaliland waxa ay ku jirtaa marxalad aad iyo aad u adag, go’aanka ay soo saareena waa mid keeni kara dhaawac anay Somaliland kasoo kaban, sidaas daraadeed xisbigu waxa uu si mugleh uga tashanayaa go’aankii uu qaadan lahaa” ayaa lagu yiri.

Ucid iyo Wadani ayaa si isku mid ah u diiday go’aanka guddida doorashooyinka kuwaas oo doonayay in la soo hor mariyo doorashada madaxtinimada, dibna loo dhigo tan Ururada siyaasadda. Balse Guddiga Doorashada Somaliland ayaa soo hor mariyay tan madaxtinimada, dhinaca kale qaar kamid ah ururada  cusub ee siyaasada ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddida.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed