Xisbiyada Muacaraadka Somaliland iyo ururada siyaasadda oo war kala duwan ka soo saaray go’aankii guddiga dhexdhexaadinta ee maamulkaas

Xisbiyada mucaaraadka Somaliland ayaa si buuxda u aqbalay go’aankii ay soo saareen guddiga dhexdhexaadinta ee ku saabsanaa khilaafka siyaaasadeed ee maamulkaas ka jiray muddooyinkii dambe.

Waddani iyo UCID ayaa siyaabo kala duwan war uga soo saaray go’aankii shalay ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka kuwaas oo sharaxaad ka bixiyay dooddii adkeed ee ka dhalatay arrimaha doorooshinka oo sababay khilaaf xooggan iyo kacdoon Jabhadeed.

Labada  Murrashax  Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe  ayaa ku dhawaaqay in xisbiyada ay hoggaaminayan ay aqbaleen go’aanka guddida dhaqanka maamulkaas, iyaga oo sheegay in ay muhiimada siinayaan wadajirka iyo midnimada Somaliland, si loo noqdo dad leh hal ujeedo iyo go’aanno isku xiran, loogana gudbo tafaraaruq.

Musharax Cirro iyo Musharax Waraabe  ayaa dhinacyada kale oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayuu usoo jeediyay in ay aqbalaan go’aanka ergada madaama oo ay kalsooni buuxda ergada ay ku  qabaan.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama uusan soo bixin xisbiga talada haya ee Kulmiye go’aanka guddiga, waxaa  laga war sugaya madaxweynaha Somaliland iyo xisbiga Kulmiye haddi ay aqbalaan arrimaha farsamo  ee ka soo baxay odayaasha dhaqanka shalay.

Dhanka kale ilaa hadda 6 kamid ah 10 urur siyaasadeed  maamulka Somaliland aya qaadacay go’aankii guddiga, kulan ay ku yeesheen Hargeysa ayey gaashaanka u daruureen xalkii ay soo saareen guddigii dhexdhexaadinta.

Guddiga  isku xilqaamay arrimaha  khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, ayaa go’aamiyay in la isku daro doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed