Xisbiga talada haya ee Somaliland oo war ka soo saaray go’aankii guddiga doorashada

 Xisbiga talada  haya ee Somaliland ee Somaliland ee kulmiye ayaa soo dhaweeyay Jadwalkii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Jadwalkaas ayaa lagu muddeeyay in waqtiga doorashada Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyada.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo shir jaraaid ku qabtay magaaalada Hargeysa ayaa soo dhaweeyay goaankii guddiga.


“Xisbiga Kulmiye waxa uu si buuxda u taageerayaa go’aanka ay soo saareen koomiishanka doorashooyinku ee ku aadan kala horaynta iyo jadwalka sida ay doorashadu u dhacayso oo ay ugu soo horayso doorashada xisbiyadu oo ay ku xigto doorashada madaxtooyadu” ayuu ka dhawaajiyay.

Kaahin ayaa sheegay in guddiga dooraashada Somaliland ay raaceen dastuurka Somaliland, oo ah kana lagu dhaqo oo qeexaya arrimaha dooraashada iyo shaqada la xariirta.

Maalmo ka hor Xisbiyada Wadani iyo Ucid ayaa ka hor yimid goaankii Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee ka saabsanaa jadwalka doorashada.

Si kastaba waxaa cakiran xaaladda siyaasadda Somaliland, iyada oo khilaaf xooggan ay ka taagan tahay arrimaha doorashooyinka.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed