Xisbiga mucaraadka Waddani ee Somaliland oo ka hor yimid dib u dhaca ansixinta xeerka cusub ee doorashooyinka

Xisbiga mucaraadka Waddani ee Somaliland ayaa ka soo horjeestay in muddo bil ah dib loo dhigo ansixinta xeerka cusub ee doorashooyinka xukuumadda Muuse Biixi. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani, ayaa dib u dhacaasi ku tilmaamay mid laga xumaado, waxaa uu hoosta ka xariiqay in go’aankaas uu yahay mid aanan la aqbali karin iyo dib u dhac ku yimid muddo xileedka Golaha Guurtida.

Xildhibaan Waabeeye oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in fasaxii golaha guurtida uu ku dhow yahay inuu dhamaado, isagoo carabka ku adkeeyay in sharciga uu yahay mid wali taagan.

Waabeeye waxa uu si qiiro leh ugu gudbiyay dedaalka wadajirka ah ee xisbiga waddani iyo madaxweynuhu ugu jiraan soo afjarida khilaafkii doorashada. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in Madaxweynaha oo doonaya inuu dib u dhigo doorashada uu keenayo qancin la’aan.

Xisbiga Waddani ayaa ka soo horjeestay in muddo bil ah dib loo dhigo ansixinta xeerka cusub ee doorashooyinka. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani, ayaa dib u dhacaasi ku tilmaamay mid laga xumaado, waxaanu ku tilmaamay mid dib u dhac ku yimid muddo xileedka Golaha Guurtida. Xildhibaan Waabeeye oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in fasaxii golaha guurtida uu ku dhow yahay inuu dhamaado, isagoo carabka ku adkeeyay in sharciga uu yahay mid wali taagan.

Waabeeye waxa uu si qiiro leh ugu gudbiyay dedaalka wadajirka ah ee xisbiga waddani iyo madaxweynuhu ugu jiraan soo afjarida khilaafkii doorashada. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in Madaxweynaha oo doonaya inuu dib u dhigo doorashada uu keenayo qancin la’aan. Waabeeye oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu iscasilo, isagoo su’aal ka keenay mudada dheer ee uu xilka hayo.

Waabeeye ayuu yiri .“Laakin dalkan maxaa ka qaldan, 5 sano oo kale ayaa la doortay, waxaad moodaa jeesjees iyo isfaham la’aan, wax walba waa xumaadeen waa inuu is casilaa” .

Waabeeye oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu iscasilo, isagoo su’aal ka keenay mudada dheer ee uu xilka hayo.

Shalay ayaa mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxay si wada jir ah u go’aamiyeen in xeerkan lagu sii hayo muddo bil ah ka hor inta aan la ansixin, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in la akhriyo oo laga fiirsado. Dib u dhaca ayaa walaac ku abuuray, waxaana loogu baaqay in khilaafka doorashada lagu xaliyo si deg deg ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed