Xisbiga Mucaaradka Waddani Ee Somaliland Oo Dhaliilay Heshiiskii Dekedaha Ee Itoobiya Iyo Somaliland

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhaliilay heshiiskii ay dhawaan wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo dhigaya in Itoobiya oo aan bad lahayn ay soo gasho xeebaha Somaliland.

Xirsi, oo ka hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in jahawareer badani ka taagan yahay heshiiskaas, isagoo ku nuux-nuuxsaday in xukuumadda Somaliland aanay si cad shacabka ugu sharraxin heshiiskaas.

“Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya waa mid mugdi ku jira, ictiraafka waanu ka hormarinayna, waananu soo dhawaynaynaa saaxiibtinimada iyo iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya, laakiin beeshu ma ogola heshiiskaas, sababtoo ah dawladu ma sharaxin heshiiskaas oo dhan” ayuu yiir.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa todobaadkii hore kala saxiixday heshiiska dhanka gelitaanka badda. Somaliland waxa ay Itoobiya ka kiraysanaysaa xeeb dhererkeedu dhan yahay 20-km (12.4-mile) oo qayb ka ah heshiiska.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyuhu waxa uu ku nuux-nuux saday in heshiiskani aanu ka dhignayn in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka fiirsan doonto aqoonsiga marka ay danteeda hesho. Waxa uu intaasi ku daray in aqoonsiga dal keliya aanu ku filnayn Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay wadamo aqoonsi ka haysta dawlado badan balse aan weli ka mid ahayn beesha caalamka.

Diidmada mucaaridka ee heshiiskan ayaa ku soo beegmaysa maalin uun ka dib markii wasiirkii gaashaandhigga ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland uu xilka iska casilay isagoo ka cabanaya heshiiska. Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay “in aanu Golaha Wasiirrada kala tashan heshiiska dekedda ee Itoobiya,” isagoo sheegay inay warbaahinta ka maqleen.

Mr Caateeye ayaa ka soo jeeda gobolka Awdal ee Somaliland, waxaana la sheegay in Itoobiya ay doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato magaalo xeebeedka Lughaya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed