Xildhibaannada Soomaalida ee ka tirsan baarlamaanka Kenya oo fariin adag u diray damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya

Xildhibaanada Soomaalida ee ka tirsan  Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka ka soo horjeestay go’aankk iyo hishiiskii Adis Ababa ku dhexmaray Ra’iisal wasaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliland, hishiiskaas oo dhaliyay hadal heyn xooggan, isla markaana dowladaha soo hadlay iyo ururada caalamiga ah ay diideen, kuwaas oo sheegay in la ilaaliyo madax-baannanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xidhibaannada ka soo jeedo Somaaliya ee ku jiro Baarlamaanka Kenya ayaa isku raacay in aanan lagu xad-gudbi karin madax-bannaanida xuduudaha dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka istaagay mowqif adag oo ak dhan ah damaca dowladda Itoobiya ee biyaha Soomaaliya.

Faarax Macalin  oo ah xildhibaan Soomaali ah kana tirsan baarlamaanka Kenya ayaa fariin adag u diray dowladda Itoobiya, waxaa uu hoosta ka xariiqay in hishiis lala galo gobol ee waddan lagu qabsado  in aysan suurta gal aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, waxaa isa soo taraya  dhalliisha iyo diidmada ka dhanka ah tallaabadii uu qaaday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ee ku doonayo in Badda Cas ee biyaha Soomaaliya uu ka helo Deked iyo saldhig Millateri kaddib hishiiskii uu la galay xukuumadda Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed