Xildhibaannada Puntland oo yeelanaya kulan xasaasi ah kaddib goa’aankii looga diiday muddo kordhinta

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kalfadhi gaar ah oo xasaasi ah, kaas oo diirada lagu saarayo xaalada siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulkaas. Qodobada ugu muhiimsan ee laga doodayo waxaa ka mid ah arrimaha doorashada iyo go’aankii ay dhawaan maxkamadda dastuuriga ah ku diiday muddo kordhinta halka sano ah ee baarlamaanka.

Ogeysiis rasmi ah ayaa la gaarsiiyay xubnaha golaha, taasoo soo dedejisay in kalfadhigan oo gaar ah looga tashado arrimaha siyaasadeed ee cakiran ee khuseeya dowlad goboleedka Puntland.

Doodaha ayaa la filayaa in ay noqdaan kuwa adag, iyadoo mudanayaashu ay la tacaali doonaan caqabadaha ku xeeran hannaanka doorashada, isla markaana ay doonayaan in xal laga gaaro khilaafkii ka dhashay go’aamadii iyo horumarradii ugu dambeeyay.

Wixii ka soo kordho halkan kala soco.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed