Xildhibaan ka tirsan maamulka Jubalaand oo lagu xiray dalka Kenya

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland oo lagu xiray dalka Kenya, kaas oo xabsiga la dhigtay maalintii Isniinta, xillidhibaanka ayaa lagu magacabaa Yuusuf Maxamed Gurxan.

Waxana laga soo qabtay bar-koontarool oo laga raaco gaawrida dad weynaha ee loo yaqaan Basaska maalintii Isniinta. Inkastoo maamulka Beled Xaawo ee Soomaaliya uu codsaday in la sii daayo xildhibaanka, balse maalinta berri ah maxkamad la soo taagi doono.

Sida ku cad warqad dacwad ah oo uu helay wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi, Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa la qabtay isagoo heysta kaarka aqoonsiga Kenya oo la sheegay inuu si been abuur ah ku qaatay, Sida uu sheegay Gitari Muchira oo ah madaxa dambi baarista dalka Kenya

Xubno ka tirsan ururka xuquuqul insaanka ee ismaamulka Mandera oo goob joog ka ahaa dhacdadan ayaa cambaareeyay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed