Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Damaca Itoobiya Ee Dekada Saylac

Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa soo dhaweeyey damaca dawladda Itoobiya ee maalgashiga dekedda Saylac ee Somaliland maalmo uun ka dib markii uu Raysal-wasaare Abiy Axmed ku dhawaaqay inay Itoobiya xaq u leedahay inay badda ku gasho hab nabadeed, kaas oos oo hadal qaaday Soomaaliya iyo Jabuuti.

Xildhibaanka oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay doonayso inay maalgashi ku samayso dekedaha, iyadoo loo marayo dariiq sharci ah. Si taas loo gaaro, waxaa lagama maarmaan ah in la wadahadlo oo la sameeyo heshiis faa’iido u leh labada dhinac.

“Gobolkayaga dhamaanteen waanu la soconaa caqabadaha dadkeena haysta, horumarinta dekedo badan oo Somaliland ah, xataa ilaa 20 dekedood, waxa ay dani ugu jirtaa shacabka Somaliland,” ayuu yiri Abiib.

Xildhibaanku waxa uu intaa ku daray in Imaaraadka Carabtu uu Maal-gashi ku sameeyay Dekedda Berbera isagoon ku xad-gudbayn Somaliland. Sidoo kale, Itoobiya waxay maalgashi ku samayn kartaa Dekedda Saylac, iyadoo ku dhaqanta nidaamka sharciga ah.

Khudbad laga sii daayay Telefishinka oo uu u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Itoobiya, ayuu Abiy Axmed ku sheegay in gelitaanka Dekeddu ay tahay arrin jirta oo Itoobiya u taalla, isla markaana Itoobiyaanku ay ugu yaraan bilaabaan ka hadalka arrimaha Badda Cas.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu faah faahin ka bixiyay wax-soo-saarka dib-u-cusboonaysiinta dekedda, oo ay ka mid yihiin saamiyadda biyo-xireenka Itoobiya ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), shirkadda Ethiopian Airlines iyo shirkadda isgaarsiinta Ethio-telecom.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed