Xil wareejin xasaasi ah oo ka dhacday magaalada Garowe kaddib doorashadii Puntland ee la soo gabagabeeyay 8-dii bishaan

Madaxweynaha maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenka cusub Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Puntland, waxaa ka qeybgalay Garsoorka Puntland, Golaha Wasiirada, Saraakiisha Amniga Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Madaxtooyada, la taliyeyaal Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland M Axmed Cilmi Cismaan Karaash, wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsanahay inuu xilka wareejiyay guul weyn laga gaaray difaaca Gobolka Sool, wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Golaha Wasiirada , Ciidamada Amniga iyo Saraakiisha Madaxtooyada ee ay soo wada shaqeeyeen.

Madaxweyne Ku-xigeenka cusub  Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo hadlay wuxuu uga mahadceliyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay isagoo muujiyey marwalbo inuu u yahay Odey geed fadhi ah oo uu kala tashan doono Arrimaha Puntland iyo gaar ahaan Arrimaha SSC.

Ugu danbeyn Madaxweynaha  Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo xiray Munaasabadda wuxuu boggaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee Madaxweyne ku-xigeenkii hore iyo doorkiisii joogtada ahaa ee shaqooyinkii u qabsoomay Puntland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed