Xil-wareejin Taliyaal Ciidan oo Muqdisho Ka Dhacday

Taliyaha Cusub ee Ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa xilkii kala wareegay taliyihii hore kaas oo maalmo ka hor xilka laga qaaday, kulanka waxaa goobjoog ka ahay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

General  Odawaa Yuusuf Raage taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga oo xilkaan hayay tan iyo sanadkii 2019.

Munaasabad uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayay xilalka iyo dukumiintiyada ciidanka ku kala wareegeen Taliye Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Odowaa Yuusuf Raage.

Dhinaca kale waxaa xilka la wareegay  Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka General  Axmed Aadan waxa uu xilka kala wareegay Taliyihii xilkaan hayay ee General Maxamed Tahliil Biixi, sidaas oo kale munaasabadda waxaa ku sugnaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Taliyaashii hore ee Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Cusub ayaa  ku warewejiyay   faylal iyo dukuminto ay leeyihiin Ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneyso in ay bilaawdo dagaalka Wajiga Labaad ee Al-shabaab looga xorreyno dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed