Xiisad Ka Tagaan Magaalada Laascaanod iyo Dil Ka Dhacay Magaaalada.

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya xiisad culus oo ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo muddo ku dhawaaw ah ay isku hor fadhiyaan Ciidanka deegaanka SSC iyo kuwa Soomaaliland.

Labad dhinac ayaa bibaaya dhaqdhaqaaq Ciidan duleedka magaalaada sida ay ku warramayaa goobjoogaal kuwaas oo sheegay in Xerada Goojacadde oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaaliland ah bilaabeen roondo iyo  Socod kuwaas oo lagu arkayo duleedka magaalaada.

Dhanka kale kuwa deegaanka SSC ee Khaatuma ayaa iyaguna laha dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan maaddaama ay Ciidamadu ay is hor fadhiyaan, waxana magaalada lagu arkayaa gawaarida dagaalka ee ciidaanka Khaatumo oo dhexmaraya qeybaha ay kaga sugan Laascaanood.

Labada dhinac ee isku Haya gacan ku heynta magaalaada ayaa ayaa wado in ay heegan galiyaan Ciidamada, lamana oga sababta ay ka damac sanyihiin in xilligaan bilaaan saan saan dagaal iyo dhiilo colaadeed.

Isla wararka Laascaanood, mid kamid ah ganacstada caanka ka ah magaalada Laascaanood ayaa lagu dilaay magaalada, Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Jaamac Cilmi Kadiye oo loo yaqiin Jaamac Qaxooti wuxuuna ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee ku dhaqan magaalada Laascaanooda.

Dhowrkii Cisho ee la soo dhaafay dhowr qof ayaa lagu dilay gudaha magaalada, mana jirto cid sheegatay masuuliyada dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Gudaha magaaalada, arrintaan ayaa abuurtay Cabsi xooggan waxgaradka iyo dadka ka dhex muuqdo bulshada kuwaas oo wajahaya xaalad amni.

Maalmihii la soo dhaafay xaaalada gobolka ayaa daganeed wallow Ciimaadu ay is hor-fadhiyeen balse maanta waxaa laga dareemayaa xiisad dagaal, dadweynaha ayaa cabsi ka qaba in dagaalo ay dhici karaan.

Wixii ka soo kordha halkaan kala Soco haddii Alle Idmo.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed