Xiisad Ka Taagan Garowe iyo Ciidan Buux Dhaafiyay Magalaada.

Magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa lagu soo warramayaa in ay ka jiro xiisad kacsan  oo laga dareemay maanta Gobolkaasi.

goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidan dabaabulan ay dhooban yihiin waddooyinka weyn ee Magaalada Garowe kuwaas oo ka soo horjeedo furitaanka dastuurka Puntland, kaas oo horyaalka Golaha Wakiilada Maamulkaasi.

Ciidankaan hubeysan ayaa saakay lagu waabariistay iyaga oo dhooban waddooyinka maalaada, waxana hoggaaminaya Saraakiil ka soo horjeedo Saciid Cabdullaahi Deni.

Si kasataba, xaaladda magalaada Garowe ayaa maanta kacsan, dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo xooggan ayaa laga dareemayaa guud ahaan gobolka Nugaal.

HBN NEWS DESk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed