Xiisad Dagaal oo Ka Taagan Gobolka Galgaduud.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Wararka kala duwan ayaa ka soo baxay Xiisad Culus oo ka taagan degmooyinka Cabudwaaq iyo Ballanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa  laga soo warinayaa in Maanta ay halkaasi ka kala dhaceen dilal loo geystay dad Rayad ah.

Dableey hubeysan ayaa Nin Xoolo Dhaqato ah ku dilay degaanka Yoocaale oo u dhaxeeya degmooyinka Balanballe iyo Xeraale halka mid kalana lagu dhaawacay goobtaas.

Dad deegaan ayaa sheegaya  kooxda dilka geystay ay ka baxsdeen goobta uu Falku ka dhacay, waxan hadda laga dareemayaa deegaanka dhiilo Colaadeed.

Dilkaan ayaa salka ku haya arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagnaa degaano katirsan Gobolka Galgaduud, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dhawaan heshiis la kala dhex-dhigay Beelo ku dagaalamay degaano hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Si kasataba, waxaa jirto saan saan dagaal oo ay waddaan Maleeshiyaad gobolka, mana jiraan wili Cid ku baxday arrintaan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed