Xiisad dagaal oo ka taagan Ceerigaabo iyada oo qaar ka mid ah shacabkii ka bexeen

Xiisad dagaal ayaa mar kale ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaaag ka dib dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xalay laga dareemay magaalada.

Ciidamo ka tirsan labada dhinac ee Somaliland iyo SSC-khaatumo oo ku kala sugan sida la tilmaamay xaafadaha waqooyiga iyo koonfurta ee Ceerigaabo ayaa samaynaya dhaq dhaqaaqyo sida ay sheegayaan dad goob-joogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid dadka rayidka ah ee ku nool Ceerigaabo ay dhawaanahan isaga baxayeen magaalada ka dib markii ay soo wajahday cabsi dagaal iyo bandow maalintii ah, iyada oo guul-darraysteen isku dayo lagu doonayey in waanwaan lagu dhammeeyo dhacdooyinkii ka ka dhacay.

Xiisadda Ceerigaabo ayaa timid ka dib markii ciidamada Somaliland ay dad rayid ah ku dileen weerar ay ku qaadeen suuqa weyn ee magaalada, kaasi oo sababay dhimashada ilaa 3 ruux iyo dhaawaca tiro kale.

Maamulka SSC-Khaatumo oo horay digniin kaga soo saaray dhacdooyinka dadka lagu dilay ayaa sheegay in arintaasi ay horseedayso sida ay hadalka u dhigeen in tani dhaawaceyso nabad kuwa noolaanshiyaha gobolka Sanaag.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed