Muxuu yahay markabka sita calanka Soomaaliya ee Ruushku ku weeraray dekadda Ukraine ku taal?

Laba badmaax oo u dhashay Azerbaijan ayaa ku dhintay, laba kalena way dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay maalinimadii Khamiista ee 9-ka bishan Sebtembar weerareen markab lagu magacaabo TEDY oo ku gooshayay calanka Soomaaliya, xilli uu marayay meel u dhow dekedda Odesa ee dalka Ukraine.

Markabka TEDY oo ka diiwaangashan Soomaaliya, ayaa waxaa maamusha shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Mert Marine Corporation. Tani macnaheedu ma aha in Soomaaliya leedahay markabka. Nidaamka maraakiibta caalamiga ah wuxuu oggolaanayaa in shirkad dal ka diiwaangashan ay markabkeeda ka diiwaangeliso waddan kale, markabkuna qaato calanka dalkaas.

TEDY waa markab jiida maraakiibta isla markaana qabta adeegga maraakiibta dhererkiisu waa qiyaastii 30 mitir, waxaa saarnaa toban shaqaale ah oo u kala dhashay Azerbaijan, Turkiga, Jarmalka iyo Ukraine.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa isla maalinta weerarku dhacay waxay sheegtay in ciidamadeedu bartilmaameedsadeen markab galbinayay maraakiib xamuul ah oo ku sii jeeday dekedda Odesa.

Hase yeeshee, Moscow ma aysan magacaabin markabka ay weerartay, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo caddeyneysa inuu ahaa TEDY.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed