Dawlada Pakistan ayaa la sheegay inay isku dayayso inay ka fogaato in lagu jiido colaadda Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, iyadoo doonaysa inay ilaaliso xiriirka Iiraan, sida ay tabisay wakaalada wararka Reuters.
Islamabad ayaa Tehran gaarsiisay digniino Sacuudigu jeediyay oo Iiraan looga dalbanayo inay xakameyso Xuutiyiinta, iyadoo Pakistan ay dhinaca kale waddo dadaallo diblomaasiyadeed.
Wasiirka Difaaca Khawaja Asif ayaa sheegay in haddii colaadda si weyn ugu faafto gudaha Sacuudiga ay dhaqaajin karto heshiiska difaaca ee Pakistan, Sacuudiga iyo Türkiye.
Ilo Pakistani ah ayaa sheegay in ka qeybgalka Pakistan uu ku koobnaan doono difaaca Sacuudiga, iyadoo aan ciidamo loo diri doonin Yaman ama lagu biiri doonin duqeymaha aargoosiga ah.
HBN Online TV

