Kooxo Burcad-badeed ayaa sii daayay markabka MV Sward, oo ay afduubteen bishii Abriil ee sannadkan, iyadoo ay la socdeen 17 xubnood oo shaqaale ah. Ilo amni oo ku sugan Puntland ayaa wakaaladda AFP u sheegay in markabka laga sii daayay meel u dhow dekedda Garacad, halka shaqaalihii ay weli saarnaayeen, burcad-badeeddiina ay xeebta u soo gudbeen.
Markabka MV Sward ayaa 26-kii Abriil ee sanadkan 2026 waxaa xeebaha Puntland ka afduubtay koox hubaysan, waxaana saarnaa 15 muwaadiniin Suuriyaan ah iyo 2 Hindi ah. Burcad-badeeddu waxay markabka muddo u adeegsanayeen saldhig ay ka qaadaan weerarro iyo afduubyo ka dhan ah maraakiibta kale, waxaana ay ku qabsadeen sida la tilmaamay ugu yaraan 2 doon oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka xamuulka ee MV Lutuf.
Ilo amni ayaa sheegay in gaadiid dhowr ah ay burcad-badeedda ku sugayeen xeebta, taasoo muujin karta inay xiriir la lahaayeen shabakadooda dhulka inta ay badda ku jireen. Ilo kale oo amni oo Puntland ah ayaa xaqiijiyay xogtan, iyadoo sidoo kale la sheegay in burcad-badeeddu ay heleen lacag lagu sii daayay markabka, balse aan la shaacin lacagta la bixiyay.
Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ee IMO ayaa sheegtay in weerarrada burcad-badeedda ee Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya ay tan iyo bishii Abriil soo kordheen. Sida xogta hay’addu tilmaamayso, sannadkan waxaa dhacay ugu yaraan 15 weerar, taasi oo ah tiradii ugu badnayd tan iyo 2013-kii.
Dhammaadkii Agoosto, ilo amni oo Puntland ah ayaa sheegay in $2.5 milyan madax-furasho ah lagu bixiyay sii deynta markabka MV Lutuf, halka $40,000 lagu bixiyay sii deynta labada doon ee kalluumeysiga ee laga lahaa Iran. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in Lutuf lagu sii daayay kadib cadaadis militari oo ay si wadajir ah u saareen ciidamada Badda Soomaaliya iyo kuwa Turkiga , iyadoo la burburiyay 4 doon oo ay burcad-badeeddu adeegsanayeen, halka 14 xubnoodna dhimasho & dhawaac ku noqdeen.
Hadda, waxaa xeebaha Soomaaliya gacanta burcad-badeedda ugu jira 4 markab oo ganacsi, kuwaas oo kala ah Honour 25, Eureka, Asana iyo Seamull. Dowladda Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore cunaqabateyn saartay markabka Seamull, iyadoo ku eedeysay inuu ka mid yahay Maraakiibta “qarsoon” ee Iran, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay dhoofiyaan saliidda Tehraan, iyagoo adeegsanaya xeelado marin-habaabinta ah.
HBN ONLINE TV

