Waxaa maanta kulan xasaasi ah oo ka dhacay dalka Masar yeeshay Taliyaasha ciidamada Cirka Sooomaaliya, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji & Masar Marshal Cumar Cabdiraxmaan Saqar, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga milatari ee labada dal iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ee Muqdisho iyo Qaahira.
War saxaaafadeed ka so baxay taliska Ciidamada xoogga dalka ayaa lagu sheegayin Kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada ciidan ee dhanka cirka, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, qalabaynta iyo is-weydaarsiga khibradaha.
Sidoo kale, Labada taliye ayaa ka wadahadlay qorshayaasha dib-u-dhiska Ciidanka Cirka Soomaaliya, iyada oo Masar ay kaalin ka qaadanayso taageerada & horumarinta awoodda hawada Soomaaliya.
Kulanka ayaa la tilmaamay in lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iskaashiga ee dhinaca difaaca ee soo jireenka ah, una dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.
Kulankan ayaa qeyb ka ah la carrabaabay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dib u soo nooleynta iyo dhisidda awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

