Qiyaastii 500 oo qaxooti Yemeniyiin ah ayaa gaaray magaalada xeebta ah ee Ubukh ee dalka Jabuuti, kadib markii ay si xooggan u saameeyeen dagaallada ka holcaya dalka, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan dowladda.
Kooxdan Qaxootiga ah ayaa waxaa ku jiray haween iyo carruur, kuwaas oo “badda laga soo badbaadiyey kadib markii doonyihii ay saarnaayeen ay shidaal la’aan ku go’doomeen,”, sida uu barahiisa bulshada ku sheegay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawale.
Sidoo kale Wasiir Dawale ayaa sheegay in hay’adaha Jabuuti ay wadaan howlgallo samatabbixin ah, isla markaana ay dadka soo gaaray siinayaan gargaar degdeg ah.
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa Jimcihii shalay sheegtay in ugu yaraan 46,000 qof ay ku barakaceen gudaha Yemen tan iyo markii dagaalladu sii xoogeysteen toddobaadkii hore.
IOM ayaa ka digtay in tirada dadka barakacaya ay “saacadba saacadda ka dambaysa sii kordhayso.”
HBN ONLINE TV

