Xasan Sheekh oo tagay Maxaas iyo hannaaanka socdaalkiisa fariinta ay xambaarsan-tahay

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, asaga oo ka soo kicitimay magaalada Dhuusamarreeb ee caasimada Galmudug. Si heer sare ah ayaa lagu soo dhaweeyay halkaas.

Ujeedka safarka Xasan Sheekh ayaa ku saabsan hannaanka taageerida reer Hiiraan ee dagaalka Soomaaliya looga xorreyanayo jiritaanka Al shabaab in ay gacan xooggan ka siiyaan, ka hor inta uusan soo bixin madaxweyne Xasan waxaa la sheegay in hoggaanka reer Hiiraan ay ku wada hadleen taleefanka, isla markaana lagu ballamay in Maxaas lagu kulmo.

Madaxweynaha ayaa kulamo xasaasi ah la yeelanaya masuuliyiin kala duwan oo ka soo jeedo gobolka Hiiraan, oo ay ku jiraan Wasiiro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo uu qeyb ka yahay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan haatanna ah madaxweynaha aanan heysan aqoonsiga ee Hiiraan State.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada, hooggaanka kuwa deegaanka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa howlgallada ka socdo maamulada deriska ah ee Hirshabeelle iyo Galmudug.

Si kastaba, waxaa la wada sugayaa hadal jeedinta Madaxweynaha iyo sidoo kale masuulyiinta gobolka Hiiraan oo lagu wado in ay la hadlaan warbaahinta.

Kacdoonkii gobolka Hiiraan ayaa fure u ahaay dagaalkii wajiga 1-aad ee ka bilaawday dalka, iyaga oo gobolkaas ka saaray dagaalyahannada Al shabaab kadib dagaalo qaraar oo halkaas ka dhacay.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed