Xasan Sheekh oo sheegay in saraakiil loo xiray dagaaladii gobolka Galgaduud sidoo kalana la hadlay ciidan loo diyaarayay dagaal

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa kormeer ku tagay saldhig ciidamada dolwadda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin magalaadaas.

Xasan sheekh ayaa markii ugu horreysya sheegay in ay jiraan saraakiil la xiray maanta iyo shalay kuwaas oo ay ku socdaan baaritaanno xooggan, maxkamadna la hor geyn doono sida uu sheegay, saraakiisha ayaa loo heystaa eed ku aaddan in ay soo banneeyeen deeganno horay looga saaray Al shabaab, iyo sidoo kale masuuliyadda jabka soo gaaray ciidamada dagaaladdii gobolka Galgaduud.

Waxaa uu kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay xoogga saaraan sidii Al shabaab looga xorreyn lahaa guud ahaan Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu ciidamada kula dardaarmay in ay u diyaar garoobaan howlgallada ka soconaya dalka, kuwaas oo diirada lagu saarayo in Al shabaab laga saaro deegaannada ay maamulaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalka looga xoreynayay  Al shabaab in aanan loo wajihin hannaankii loogu talagalay iyo sidii sidii la rabay, islamarkaana dalka uu ku jiray xaalad abaareed oo ba’an, balse xilligaan ayaa dowladdu diyaar u tahay in ay Shabaab ay la gasho dagaal culus, kana go’an tahay xkummadda in Soomaaliya ay noqoto mid xor ah.

Si kastaba madaxweynaha Soomaaliya labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa degmada Maxaasa ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka wado abaabul dagaal iyo wadatashiyo culus oo ku wajahan deegaannada Al shabaab ay ku sugan yihiin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed