Xasan Sheekh oo saraakiisha sare sare ee ciidanka kulan xasaasi ah kula qaatay Aadan Yabaal

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hoggaanada taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee inta badanku sugan halkaas, waxaa laga wada hadlay abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgallada ka dhanka ah dagaalayamayaasha Al shabaab.
Kulanka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
 “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka” ayaa lagu yiir war kooban oo ay soo saareen.
Muddooyinkii dambe madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku sugnaa Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe waxaa uu halkaas ka waday wadatisho ku saabsan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo hoggaannada sare ee ciidanka, kuwaas oo isla qaatay ka gun gaarid dagaalka Al shabaab.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed