Xasan Sheekh oo lagu wado in uu ka qeyb galo shir caalami ah oo ka furmay dalka Kenya xilli Ra,iisal Wasaaraha Itoobiya oo shalay gaaray Nairobi

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka 6-aad ee arrimaha deegaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan oo billowday shalay, ayaa ujeeddadiisu tahay in si heer caalami ah wax looga qabto arrimaha cakiran ee deegaanka.

Xubnaha ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya inay ku xad-gudbi doonto madax-bannaanida dhulkeeda, kaddib markii ay heshiis muran badan dhaliyay la gashay maamulka Somaliland.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkoodii xumaaday taniyo 1-dii bishii hore, kaddib markii Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo  hishiis  la galay maamulka Somaliland, taniyo xilligaasi wixii ka dambeeyay waxaa xumaaday xiriirka Muqdisho iyo Adis Ababa.

So kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku biiraya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiiradda deegaanka iyo is bedelka cimilada Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle. Joogitaankooda inta lagu guda jiro kalfadhiyada furitaanka ayaa gogol xaar u ah in Soomaaliya ay si mug leh uga qayb qaadato shirka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo inta uu socdo shirkan, kaasoo uu ku muujinayo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii jirista deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha quseeya sida wasakhowga hawada, isticmaalka caagagga, xaalufka deegaanka, iyo isbedelka cimilada. Intaa waxa dheer, waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa hogaamiyayaasha kale ee ka soo qayb galaya shirka, kobcinta wada shaqaynta iyo la wadaaga fikradaha wax ka qabashada caqabadaha deegaanka.

Shirka 6-aad ee deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa socon doona ilaa 1-da Maarso, iyadoo diiradda lagu saarayo kobcinta iskaashiga caalamiga ah si wax looga qabto arrimaha deegaanka si wax ku ool ah. Mawduucyo kala duwan oo ku saabsan ajandaha, oo ay ku jiraan wasakhowga hawada, balaastikada hal mar la isticmaalo, xaalufka deegaanka, iyo isbedelka cimilada, shirku wuxuu raadinayaa in uu dhaqaajiyo xeelado wax qabad oo mustaqbal waara ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed