Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilo ka socday QM kuwaas oo kawada hadlay arrimo xasaasi ah

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Ergey ka socotay Qaramada Midoobay , kuwaas oo qaabilsan arrimaha Soomaaliya, waxayna ka hadleen arrimo kala duwan oo taabanaya xaaladda Soomaaliya. waxana hoggaamineysay Catriona Laing oo ah Ergeyga ah Xogyaha QM u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankaan ayaa ka dhacay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo uu madaxweynuhu ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay, kulankaan ayaa looga doodday hannaanka xasilinta deegaannada laga saaray kooxda Al shabaab, sidii loo xasilin lahaa, loona gaarsiin lahaay adeegyada aas aasgiga ah oo ay u baahan yihiin, sida goobo waxbarasho, Caafimaad iyo adeegyada dowladda.

Wakiilada ka socday Qaramada Midoobay ayuu madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dardar gelinta dagaalka wajiga labaad ee Al shabaab looga saarayo dalka, waxaa uu sidoo kale sheegay in uu meel wanaagsan uu marayo  gulufka ka bilaabanaya deegaannada Galmudug.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing boggaadisay howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda ee Al shabaab looga ciribtiraayo guud ahaan Soomaaliya, iyada oo intaas raaacisay in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed